Kamala Harris oo Xisbiga Dimuqraadiga ku mataleysa doorashada.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa heshay codad ka badan tiradii looga baahnaa ee xubnaha xisbiga Dimuqraadiga, waxa ayna noqotay musharaxa u tartamaya doorashada madaxtinimada dalka mareykanka iyadoona ku mataleysa xisbigeeda.

Kamala ayaa sheegtay in ay “si xushmad weyn ku jirto u qaadaneyso suurtagalnimada magacaabistaan oo hor dhac ah’’ waxaana magacaabista rasmiga ah ay dhici doontaa dabayaaqada bishaan, iyadoona lagu qaban doono Chicago.

Doorashadaan Kamala ay codadka badan ku heshay oo ay xisbiga qabteen ayaysan jirin qof la tartantay haweeneydaan, iyadoona bishii la soo dhaafay uu madaxweyne Joe Biden uu isaga haray tartanka waxa uuna taageero u muujiyay Kamala.

Waxaa kale oo jiray in qaar kamid ah dadkii loo maleynayay in ay tartami lahaayeen ay taagero u muujiyeen madaxweyne ku xigeenka.

Jimcadii ayay ahayd markii ay codbixinta xisbiga dhacday, iyadoona heshay codad gaaraya 2,350 cod iyadoona loo baahanyahay in lagu dhawaaqo dadka codeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here