Arsenal Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaaga.

0
18

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Mikel Merino.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe iyada oo isku diyaarinayso in ay u dagaalanto ku guulaysiga premier League.

Sida laga soo xigtay Sportzone, Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Mikel Merino.

Arsenal iyo Mikel Merino ayaa isla meel dhigay heshiis 4 sano ah oo uu u saxiixayo kooxda reer England.

Xiddiga Mikel Merino ayaa xulka Spain kula guulaystay Euro 2024 waxana uu doonayaa in uu ka hoos ciyaaro tababare Mikel Arteta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here