Shax Laga Sameeyay Saxiixyada Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Suuqa Kala Iibsiga Xagaagan

0
21

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo cusub.

Kooxaha ayaa is xoojinaya ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub waxana ay sameeyeen saxiixyo badan.

Xiddiga Riccardo Calafiori oo ku biiray Arsenal ayaa noqday saxiixii ugu dambeeyay ee ugu weynaa ee la sameeyay.

Iyada oo wali suuqu furan yahay kooxo badan samayn doonaan saxiixyo kale hadana waxa la soo saaray shax laga sameeyay saxiixyada ugu fiican ee ilaa haatan la sameeyay.

Kooxaha Man United, Arsenal iyo Bayern munich ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka chelsea, Juventus, Aston Villa, Real Madrid iyo Ac Milan min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here