Arteta Oo Sheegay Halka Arin Oo Ay Kooxdiisu U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Premier League.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mikel Arteta ayaa dajiyay himilooyinkiisa inuu jabiyo rikoorka 114 dhibcood si ay kooxdiisu ugu guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Arteta waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in badiyaan dhamaan kulamada si ay u gaadhaan 114 dhibcood.

“114 Dhibcood, hadii aan sidaas samayno waan ku guulaysan doonaa horyaalka taas waa hubaal, tani waa ujeedkeena aan eegno sida ay wax noqdaan”ayuu Arteta yidhi.

“Marka ay dhibaato nagu haysato, waxaan wali u baahanahay inaan ka fiicnaano kooxda naga soo horjeeda, markaa taasi waa ujeedada kooxda.”

Iyadoo xilli ciyaareedka cusub uu soo dhawaaday, Arteta aragtidiisa cad iyo rajooyinka sare ayaa shaki la’aan ku dhiirigelin doona kooxdiisa si ay ugu guulaysato horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here