Khasaaraha Dhimashada ee dhul-go’ii Ethiopia oo sare u kacay.

0
37

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia, taas oo haatan ay Qaramada Midoobay ku sheegtay tirada dhimashadu inay haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadan. Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka.

Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo ay ku jiraan toddoba caruura oo uu adeerkiis uu dhalay, wuxuunta intaas ku daray inay heleen meydadka 12 ka mida.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay kor u sii socoto ayna gaadhi karto illaa 500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here