Dowladda Kenya oo walaac ka muujisay sun halis ah oo la xaday.

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Kenya ayaa ka codsatay dadka in la soo helo sun halis ah oo laga bililiqeystay gaari xamuul ah oo ku rogmaday meel u dhow magaalada Nairobi.

Siyaanid Soodiyom waa walax halis ah oo oo lagu dhiman karo hadii aad cunto ama aad neef ahaan u qaadato, xitaa hadii ay wax yar tahay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa ka digay suntaas iyagoo sheegay in ay sidoo kale khatar ku tahay deegaanka.

Ma ahan wax dhaca in la bililiqeysto gawaarida xamuulka kaddib marka uu shil dhaco. Gaariga xamuulka ayaa rogmaday sabtigii, dhowr ka mid ah walxahaas kiimikada ayey qaateen dad goobta ku soo orday.

Shilka ayaa ka dhacay 35 km meel u jirta magaalada Nairobi.

Ma cadda waxa keenay in gaariga uu gaddoomo, Mas’uuliyiinta ma faahfaahin xaaladda darawalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here