Erik Ten Ha Oo Ka Fal Celiyay Guuldaradii Kooxdiisa Ee Kulankii Rosenborg

0
25

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa ka fal celiyay guuldaradii Man United kala kulantay Rosenborg kulan ka tirsanaa isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Ten Ha ayaan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka kooxdiisa guuldaradii 1-0 ahayd ee ka soo gaadhay Rosenborg kulan saaxiibtinimo.

Isagoo la hadlayay MUTV ciyaarta ka dib, wuxuu yiri: “Natiijadu ma ahan mid labaad, laakiin muhiimada waa in aan badino ma ahan in nalaga badiyo, qaab ciyaareedka wuxuu ahaa mid ka hooseeya heerkeena”.

“Tani ma ahan wax laga sugayo Man United dhinaca qaab ciyaareedka, xiddiguhu ma ahan kuwo taam buuxa ah laakiin Man United waa in ay soo bandhigtaa qaab ciyaareed heer sare ah”.

Man United ayaa ku soo laabanaysa garoomada sabtida (July 20) marka ay wajahdo Rangers kulanka xiga ee saaxiibtinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here