Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaaga

0
20

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa heshiis la gaartay Ajax waxayna ku dhowdahay saxiixa goolhaye Tommy Setford.

Horaantii bishaan, Gunners ayaa dhameystirtay saxiixa Goolhaye Raya oo ay si toos ah ugu biiray kooxda kadib amaah uu ku qaatay kooxda.

Arsenal oo wali suuqa ugu jirta Goolhaye cusub ayaa Ajax kala heshiisay saxiixa Setford.

Gunners ayaa hal milyan oo euro ka bixinaysa saxiixa xiddiga sida laga soo xigtay The Athletic.

Xiddiga Setford ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here