Iran oo Mareykanka ka dooneysa $6.8 bilyan oo magdhow ah.

0
30

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska.

Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato”, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online.

Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey “inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta,” ayuu yiri Mizan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here