Barakac horleh oo ka biloowday Qasa.

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Milatariga Israa’iil ayaa u sheegay dadka reer Qasa in ay ka baxaan koonfurta magaalada isla markaana u guuraan Marinka Qasa, iyadoo halkaana ay howlgallo ka socdaan.

Waraaqo ay daadiyeen diyaarado ayaa dadka loogu sheegay in “qof kasta oo ku sugan magaalada Qasa” uu halkaa ka baxo waxa lagu tilmaamay “aagga dagaalka khatarta ah” iyada oo la sii marayo wadooyin nabdoon oo loogu talay in ay isticmaalaan dadku.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay amarada daadguraynta ee la siinayo dadka. Waa markii labaad tan iyo markii uu dagaalku billowday oo dadka laga dalbanayo in ay ka baxaan goobihii ay ku noolaayeen.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxay dib u galeen dhowr degmo oo ay ciidamadu rumeysan yihiin in Xamaas iyo dagaalyahannada Jihaad Islaami ee Falastiinta ay dib isaga soo abaabulayaan tan iyo bilowgii sanadkan.Dadka ayaa durba bilaabay in ay halkaa kala baxsadaan naftooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here