Soo-saarihii filimka Titanic oo geeriyooday

0
26

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa geeriyooday Jon Landau oo ahaa soo saare filimaan badan oo ay kamid yihiin Titanic iyo Avatar, waxa uuna horay ugu guuleystay abaal-marinta Oscar-ka, isagoona soo saaray qaar kamid ah filimaanta lacaga ugu badan soo xareeyay abid, ninkaan ayaana ku geeriyooday isagoo 63-jir ah.

Landau muddo sanad ka badan la noolaa cudurka kansarka.
Tina oo ah walaashiis ayaa baraheeda bulshada ku xaqiijisay geeridiisa waxa ayna xustay in uu ahaa walaal wanaagsan.

Landau wuxuu gacan ka geystay abuurista 1997-kii Titanic, kaas oo ahaa filimkii ugu horreeyay ee soo xareeya lacag kor u dhaafta $ 1bn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here