Masar oo shatiyada kala laabatay 16 shirkaddood

0
25

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Masar ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sanad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.

Illo dhinaca caafimaadka iyo amniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 530 masaari ah ay dhinteen intii lagu jiray xiliga xajka ee sanad kan magaalada Maka, halka kooxda loo saaray arintan ay sheegeen in 31 qof la xaqiijiyay geeridooda kuwaas oo u dhintay xanuuno daran.

Shirkaddahan oo fududeynayay socdaalka dadka dhintay ayaan wax adeeg ah oo caafimaadku ku jiro aan siinin sida warbaxinta lagu sheegay, in kastoo aan la magac dhabin shirkaddaha ku lugta leh kiiskan.

Shirkaddahan ayaa lagu eedeeyay in xujeyda ay ku direen dal ku gal booqasho Sucuudiga ah, halkii ay u soo saari lahaayeen dal ku galka xajka ee u fududeyn lahaa gaaritaanka magaalada Maka, halkaas oo ah meesha acmaasha xajka lagu sameynayo.