Wararkii ugu danbeeyay ee Gaza

0
24

JOwhar – ( Radio Isnaay )- Taangiyada Isra’il oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka, ayaa kusii siqay gunta dhinaca galbed ee degmada Rafax ee koofurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafmaadka iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Arbacadi shalay Rafax ku dileen ugu yaraan siddeed qof, kuwaas oo intooda badani ku dhintay madaafiicda cirka iyo kuwa taangiyada ee ay labeegsadeen xaafadda Al-Mawasi.

Al Mawasi oo u dhaw dhinaca xeebta Gaz ayaa waxaa u qaxay boqollaal kun oo qoys oo ka cararay Rafax, kaddib weerarki ay ciidanka Isra’il ku qaadeen Rafax.
Dadka xaafadda Al-Mawasi ayaa sheegay in ciidanka Isra’il ay gubeen dhowr guri oo ku yaalla galbeedka Rafax, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka rayidka ah ee u qaxay Rafax.