Putin iyo Kim Jong Un oo mar kale kulmaya xilli Galbeedku ka walaacsan yahay

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqalka Cad ayaa walaac ka muujiyay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi .

Walaaca Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta la filayo in madaxwaynaha Ruushku Putin uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Pyongang.

Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine waxaa sii xoogeysanayay xidhiidhka u dhaxeeyo Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Labada hoggaamiye ayaa bishii Sebtembar ku kulmay xarunta Vostochny cosmodrome ee bariga fog ee Ruushka, laakiin tani waa booqashadii ugu horreysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo 2000.