Nin 24 Mobile saacad gudaheed ku dafay

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sonny Stringer, oo degan xaafada Islington, ee waqooyiga London ayaa xaday  24 moobile saacado gudahood isagoo watay baskiil koronto ku socda oo jaraya xawaare gaadhaya 80 km saacadii sida ay sheegeen booliska London.

Booliska ayaa adeegsaday kamaradaha dariiqyadda ku yaalla si ay ninkaasi u dabagalaan oo u qabtaan.

Ninkan 28 jirka ayaa ka hor qirtay maxakamadda Isleworth Crown Court ee London inuu boobay moobiladaasi oo uu qaatay salaasadii ina dhaaftay

Taliyaha saldhiga Rob Atkin ayaa sheegay” booliska qaybahiisa kala duwan ayaa wada shaqeeyey hadday tahay qaybta kamaradaha iyo qaybaha kaleba ee dhulka taagnaa oo si toosa uwada xidhiidhayey, waa guul in ninkii boobay mobiladda maxakmadda la horkeeno.