Ra’iisul wasaare Modi oo ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada Hindiya

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul wasaare Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada Hindiya, inkastoo isbaheysigiisu ay ka hooseeyaan 400 oo kursi ee ay doonayeen in ay ku guuleystaan.

Isbahaysiga uu hogaamiyo BJP ayaa ku hogaaminaya wax ka yar 300 oo kursi, halka xisbiyada mucaaradka ay ka horreeyaan ilaa 230

Xisbiga ama isbahaysig ku guulaysta in ka badan 272 kursi oo ka mid ah 543 xubnood ee baarlamaanka ayaa soo dhisi kara xukuumadda.

Isaga oo ka hadlayey Delhi, waxa uu u mahadceliyay codbixiyaasha “Gudashada waajibaadkooda”

“Dadku waxay rumaysteen NDA (Isbahaysiga Dimuqraadiga Qaranka) mar saddexaad oo isku xigta,” Modi ayaa ku qoray sdiaasi barta X mar sii horreysay. “Tani waa mid taariikhi ah oo ku suntan taariikhda Hindiya”

Doorashadii ugu wayneyd adduunka waxa la qabtay todobo waji mudo lix todobaad ah, iyada oo ku dhawaad ​​hal bilyan oo qof ay isku diwaan galiyeen in ay codeeyaan.