Masar ayaa lagu eedeeyay in ay daabaceyso fariimo looga soo horjeedo Israel.

0
28

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargeyska The Jerusalem Post ee ka soo baxa Israel ayaa daabacay maqaal uu ku dhaliilayo mowqifka Masar ee dagaalka Gaza. Inkastoo labada dal uu ka dhexeeyo heshiis nabadeeda hadana wargeyska waxa uu sheegay in Qaahira ay daabaceyso fariimo looga horjeedo Israel.

Maqaalka waxaa qortay Ruth Wasserman Land oo hore u soo noqotay safiir ku xigeenka Israel ee Masar, waxayna ka tirsan tahay machadka amniga qaranka iyo istaraatiijiyada Sahnuuniaydda ee Misgav.

Ruth waxay sheegtay in Masar ay heshiis nabadeeda la gashay Israel, waxaana ka go’an in ay xiriir ganacsi iyo iskaashi la lahaato Mareykanka, dhinaca kalena waxay dadweynaha Masar ka buuxineysaa fariimaha naceybka Israel.