Biden oo faahfaahiyey heshiis xabbad-joojineed oo Israa’iil ay aqbashay

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax, ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu Jimcihii ku dhawaaqay inuu dabada ka riixayo heshiis xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaas oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira, in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasoo looga gudbi doono, wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka.

Heshiiskan haddii la isla afgarto ayay ku jirtaa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla marinka Gaza, lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Maraykanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn doono boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.