Sarkaal Jarmal ah oo Ruushka u basaasayay oo la xiray

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Askari ka tirsanaa ciidamada Jarmalka ayaa lagu xukumay saddax sano iyo bar oo xabsi ah kaddib markii lagu helay inuu u basaasayay Ruushka.

Kabtan hore oo lagu magacaabo Thomas H ayaa qirtay in uu Kremlin-ka u jaajuusay kaddib markii uu ka dhageystay kooxaha midigta fog ee Ruushka taageera warkooda beenta ah ee baraha bulshada sida TikTok, wuxuu sheegay in markaa kaddib uu la xiriiray safaaradda Ruushka ee Berlin una gudbiyay xog militeri.

Askarigaas hore ayaa ku sheegay waxa dhiirogeliyay cabsi uu ka qabay inuu dhaco dagaal Nukliyeer, wuxuuna yiri in uu hadda ka shaleynayo wixii uu sameeyay.

Bishii April labo nin oo haysta dhalashooyinka Ruushka iyo Jarmalka ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay in ay basaasayeen saldhigyaca ciidamada Mareykanka u uku leeyahay Jarmalka halkaasi oo askarta Ukraine lagu tababaro.