Maxkamadda ICJ oo Isra’il ku amartay in ay joojiso duullaankeeda Rafax

0
36

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza.