Maalinta Caalamiga Ah Ee Fistulada Uureeyda Oo Dunida Laga Xusayo.

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maalinta Caalamiga ah ee joojinta Fistulada Uureeyda23 May Fistula umusha waa dalool u dhexeeya marinka dhalmada iyo kaadiheysta ama malawadka, oo ay keento foosha dheer, iyada oo aan la helin daawaynta tayada sare leh ee waqtiga.

Waxay ku keyntaa haweenka iyo gabdhaha kaadida iyo Saxarada oo istaagta, waxayna badanaa keentaa dhibaatooyin caafimaad oo dabadheeraad ah, niyad-jab, go’doon bulsho iyo saboolnimo qoto dheer.

Waxaa SooJeedinaya:- Maxamed Nuur Xuseen.