Ruushka oo laga yaabo in uu kordhiyo weerarrada Ukraine

0
37

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushka laga yaabo in uu kordhiyo weerarka uu ka geysanayo waqooyiga bari ee Ukraine kadib guulihii uu dhawaan ka gaaray meelo u dhaw magaalada Kharkiv.

Ciidamada Ruushka ayaa isku dayayey in ay horay u socdaan iyadoo ciidamada Ukraine ay isku dayayeen in ay adkeeyaan jiidda hore ee difaacooda.

Mr Zelensky waxa uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin la xiriira howladeenada ciidanka oo taasi sababay iyo arima dhanka niyadda ah, isaga oo sheegay in tiro guutooyin ah ay faaruq yihiin.

Waxa uu sidoo kale u sheegay wakaalada wararka ee AFP in hawada dalka ay ka maqan tahay ayna dib u soo cusbooneysiiyeen baaqyada ay u dirayaan xulafada ee ah in ay soo diraan diyaarado badan oo difaaca cirka iyo kuwa dagaalka ah.

“Maanta waxa aynu haynaa i25% si aan u difaacno Ukraine,” ayuu yiri Mr Zelensky oo ka hadlaya hawada Ukraine.

“Si aanay Ruushku ugu guuleeysan sareynta hawada, waa in aynu haysanaa ​​120 ilaa 130 diyaaradood oo casri ah.”