Maalinta Caalamiga ah ee Wada-noolaanshaha Nabadda oo Maanta ku beegan.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nabad ku wada noolaanshaha waa in la aqbalo khilaafaadka iyo in la yeesho awood wax lagu maqlo, aqoonsado, ixtiraam iyo qadarin dadka kale, iyo sidoo kale ku noolaanshaha si nabad ah oo midaysan.

Qaraarka tirsigiisu yahay 72/130 ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 16-ka May in ay tahay maalinta caalamiga ah ee wada-noolaanshaha Nabadda, taas oo macnaheedu yahay in si joogto ah loo abaabulo dadaallada beesha caalamka si kor loogu qaado nabadda, dulqaadka, is-dhexgalka, isfahamka iyo wadajirka.

waxaa soo jeedineysa : – Xaliimo  Cali.