Ninkii ugu horeeyay ee loo geliyay kelli doofaar oo dhintay.

0
25

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Isbitaalkii sameeyay qaliinka ayaa sheegay in ninkii ugu horreeyay ee loo geliyay kellida doofaarka uu dhintay laba bilood ka dib markii qaliinka lagu sameeyay.

Richard “Rick” Slayman, oo 62 jir ah, ayaa ldarnaa cudur kelliyaha oo ahaa heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan qaliinka lagu samayn bishii March.

Isbitaalka guud ee Massachusetts (MGH) ayaa sheegay Axadii inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in dhimashadiisa ay ka dhalatay xubinta lagu tallaalay.

Bedelka xubnaha kale ee hidde side ahaan ka yimid doofaarka ayaa hore u guul darreystay in bani’aadam loo geliyo., balse qalliinka lagu sameeyay Mr Slayman ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Marka laga soo tago cudurrada kelliyaha, Mr Slayman waxa kale oo uu la ildarnaa nooca 2-aad ee xanuunka macaanka iyo dhiig-karka.

Sannadkii 2018-kii, waxa loo geliyay kelli bani’aadam, laakiin waxa ay bilawday in ay shaqeyn weyso shan sano ka dib.

Ka dib markii loo geliyay kelli doofaar 16-kii Maarso, dhakhaatiirtiisu waxay xaqiijiyeen inuusan u baahnayn sifayn, ka dib markii xubinta cusubi la sheegay inay si fiican u shaqaynayso.