Xayiradii Kylian Mbappe Laga Saaray Inuu Ku Dhawaaqo Hishiiskiisa Real Madrid Oo Xalay La Burburiyay

0
87

Jowhar- (Isnaay Radio):- Mustaqbalka Kylian Mbappe ayaa si rasmi ah loo shaacin doona sida ugu dhakhsiyaha badan sida ay sheegayaan wararka.

Mbappe ayaa ciyaartiisii ugu danbeysay ee PSG waxay ku soo dhamaatay si niyadjab leh, iyadoo kooxda Faransiiska lagu reebay semi-finalka Champions League.

Xaqiiqdiina, waxay tani keeneysaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu dhawaaqo mustaqbalka xiddiga Koobka Adduunka ku guuleystay.

Bishii Febraayo ayaa la shaaciyay in Mbappe uu ogolaaday inuu ku biiro Real Madrid xagaagan, isagoo u sheegay madaxda PSG inuu doonayo inuu baxo marka qandaraaskiisa uu dhaco bisha Juun.

Warbaahin badan oo ay ku jirto BBC aya sheegtay in Mbappe xayiraad laga saaray waqtigaas inuu ku dhawaaqo hishiiska uu la gaaray Real Madrid, islamarkaana loo sheegay inuu mustaqbalkiisa shaacin karo madama aysan suurtogal aheyn in PSG iyo Real Madrid ay ku kulmaan Champions League.

Dabcan madaama Dortmund ay reebtay PSG, waxay la micno tahay in Mbappe uusan ka horimaan karin Real Madrid ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sidaasi darteed waxaa xalay laga qaaday xayiraadii ka saarneyd inuu mustaqbalkiisa si rasmi ah u shaaciyo, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu shaacin doono hishiiska uu la gaaray Los Blancos oo uu u wareegayo xagaagan.