Wasiirka beeraha Soomaaliya oo Nairobi uga qaybgalay shirka Wasiirada beeraha Afrika

0
58

Jowhar(Isnaay Radio):-  Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay shirka Wasiirada Beeraha Afrika, kaas oo looga hadlay Caafimaadka iyo Bacriminta Beeraha.

Wasiir Maareeye oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Federaalka oo garowsan duruufaha gaarka ah ee ku xeeran beeraleyda Soomaaliyeed ay xoogga saarayso sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haysta beeraleyda.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Mohamed Nor Hussein.