PSG Oo Loo Diiwaangeliyay Rikoodh Xun Oo U Galay Taariikhda Champions League

0
57

Jowhar-(Isnaay Radio):-  Paris Saint-Germain ayaa loo diiwaangeliyay rikoodh xun oo u galay taariikhda Champions League ka dib markii mar kale lagu reebay semi-finalka.

Kooxda Luis Enrique ayaa wadar ahaan labadii lug ee semi-finalka waxay guuldaro 2-0 kala kulmeen Borussia Dortmund, iyadoo kulankii xalay uu Mats Hummels dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta.

Dortmund ayaa si geesinimo leh u difaacatay kubada iyagoo gaaray finalkoodii seddexaad ee Champions League, waxayna dib ugu laabanayaan Wembley, 11 sannadood ka dib markii ay Bayern Munich halkaas ku wajaheen.

Laakiin ayaa dhibane u aheyd dhameystir xumo labadii lug ee semi-finalka, iyagoo iska qasaariyay fursado badan oo dahabi ah.

Waxaa cajiib aheyd, in PSG ay birta garaacday lix jeer labadii kulan ee semi-finalka oo ay ku jirto afar ay birta ku dhufteen lugtii labaad.

Kylian Mbappe, Warren Zaire-Emery, Nuno Mendes iyo Vitinha ayaa dhamaantood birta garaacay.

Shabakada uruurisa xogta kubada cagta ee OPTA ayaa haatan rikoodh xun oo Champions League ah u diiwaangelisay PSG.

Xilli ciyaareedkan tartanka Champions League Paris Saint-Germain waxay birta garaacday 12 jeer, waana tiradii ugu badneyd ee hal xilli ciyaareed laga diiwaangeliyo tartanka.

Waxay jabiyeen rikoodhkii Barcelona oo 11 jeer birta garaacday sannado ka hor, halka PSG ay sidoo kale heshay 44 darbo iyagoo aan shabaqa soo taabanin.

Kooxda ka dhisan horyaalka Faransiiska ayaa weli sugeysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee Champions League inkastoo milkiilayaasha reer Qatar ay kooxda ku qarashgareeyeen in ka badan 2 bilyan euro.

Waxay guuldareysteen lix ka mid ah todoba jeer oo ay semi-finalka gaareen, iyadoo markii kaliya ee ay finalka u gudbeen ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Bayern Munich.