Uk oo hub ku kacaya balaayiin doollar siineysa Ukraine

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ukraine ay xaq u leedahay inay hubka Britain u adeegsato weerarro ay ku bartilmaameedsato gudaha Ruushka.

Lord Cameron oo Khamiistii kula kulmay magaalada Kyiv Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in UK ay ku deeqi doonto gargaar milatari oo qiimahoodu ka badan yahay saddex bilyan iyo bar doollar sannadkii “ilaa inta loo baahan yahay”.

Waxa uu sheegay in taageerada Britain ay ka mid noqon doonto bambaanooyinka la hago iyo gantaallada difaaca hawada, kuwaas oo Ukraine ay u isticmaali karto sida ay u aragto.