Warbixin Gaar ah oo ku Saabsan Xuska Maalinta Caalamiga ah Ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 3-da May in ay tahay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka iyadoo loo arkayay in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay xorriyadda saxaafadda iyo in la xasuusiyo dawladaha waajibaadkooda ku aaddan ixtiraamka iyo dhawrista xaqa. Xorriyatul-qawlka ee ku xusan qodobka 19-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka 1948-kii iyo xuska sannad-guurada Bayaanka ku saabsan mabaadi’da saxafada xorta ah oo ay isugu geeyeen saxafiyiin Afrikaan ah oo ku sugan Windhoek 1991kii.

waxaa soo jeedinaya : – Cabdiweli Axmed.