Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqor Charles ayaa dib ugu laaban doona gudashada waajibaadkiisa toddobaadka soo socda kadib markii horumar dhiirrigelin leh laga gaaray daaweyntiisa kansarka, sida uu sheegay aqalka Buckingham Palace.
Weli soo laabasho buuxda uma aha Boqorka, balse wuxuu aqalku sheegay inay tan tahay wax wanaagsan.
Boqorka ayaa Talaadada soo socota safar taariikh ah ku tegi doona xarunta daaweynta kansarka.
Qorshooyinkiisa xagaaga waxaa ka mid ah martigelinta Boqorka iyo Boqoradda Japan.
Toddobaadyada soo socda, wuxuu aqalku sheegay, inuu Boqorku qaban doono howlo badan oo dibadda ah.