Sababtii Ay Man City U Iibisay Cole Palmer Oo La Ogaaday.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sabab qarsoon oo ka qayb qaadatay go’aankii Manchester City ay ku iibisay Cole Palmer ayaa soo shaac baxday, waxaana laga yaabaa in Pep Guardiola uu ka shalleeyo.

Su’aal badan ayaa laga keenay markii Cole Palmer ka tagay Man City kuna biiray kooxda chelsea halkaas oo uu wacdaro ka dhigayo xilli ciyaareedkan.

Xiddiga da’yarka ah ayaa 42 milyan ugu soo biiray Blues waxana uu dhaliyay 25 gool halka uu caawiye ka noqday 13 kale xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Kooxda Man City ayaa go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga Cole Palmer sabab la xidhidha in uu Guardiola dareemay in ay hoos u dhacday kalsoonida xiddiga.

Palmer ayaa todobaadkan ka hor iman doona kooxda Man City kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.