DFS oo soo dhaweeysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7.

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.

waxaa soo jeedinaya : Cabdicasiis Xasan.