Duqeyn Ruushku ka gaystay waqooyiga Ukraine oo ay ku dhinteen 8 qof

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maayarka magalada waqooyiga Ukraine ku taala ee Chernihivayaa sheegay in 8 qof ay ku dhinteen, 18 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn uu Ruushku ka gaystay magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka ayaa isna sheegay in sedex gantaal ay ku dhaceen meel ku dhaw bartamaha magaalada.

Maamulayaasha magaalada ayaa dalbanaya dhiig shubid balaaran si loogu gurmado dadka dhaawaca ah.

Dhinaca kale warrar ayaa sheegaya in Ukraine ay iyana duqeysay saldhig milatari oo ruushku leeyahay oo ku yaala gobolka la haysto eeCrimea.