Madaxweyne Putin oo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh xiisadda Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan

0
54

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in talaabo kasta oo uga sii daraysa xaaladda Bariga Dhexe ay isu badali karto musiibo aan cawaaqibkeeda aan la mahdin xili uu taleefanka kula hadlayay dhigiisa Iiraan Ibraahim Ra’isi.

Aqalka Kirimiliinka oo soo xiganayay kulanka taleefanka ee labada madaxweyne ayaa sheegay in Putin ku kalsoon yahay in dhinacyadu is xakameyn doonaan, sidaasna looga hortagi karo isku dhacyo kale oo aan cawaaqibkooda la mahdin, taas oo saameyn ku yeelata gobolka oo dhan.

Kiriliinka ayaa intaa ku daray in Iiraan ay codsatay wadahadalka taleefanka.