WARBIXIN: 10-ka Saxiix Ee Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Shaaciyay.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xilli ciyaareedka Premier League ayaa ahaa xilli ciyaareed cajiib ah waxana la marayaa kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Xilli ciyaareedkan waxa jira xiddigo badan oo loo jabiyay baanka lagana bixiyay lacago aad u badan suuqii xagaaga.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Declan Rice, xiddiga chelsea ee Cole Palmer iyo waliba Alexis Mac Allister ayaa ka mid ah xiddigaha wacdaraha dhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Shabakada Whoscored ayaa soo saartay Liiska 10-ka saxiix ee ugu fician premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha ayaa lagu qiimeeyay qaab ciyaareedkooda ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.

Xiddiga Arsenal ee Declan Rice ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican iyada oo lagu qiimeeyay 7.35 halka uu ku xigo xiddiga chelsea ee Cole Palmer kaas oo lagu qiimeeyay 7.34.