Diblamaasi muddo 40 sano ah jaajuusayay dowladda Mareykanka oo 15 sano lagu xakumay

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diblamaasi hore oo Mareykan ah ayaa Jimcihi lagu xakumay 15 oo xarig ah, kaddib marki uu qirtay inuu jaajuus u ahaa Dowladda Cuba.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasi hore ku tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka.

Victor Manuel Rocha, oo soo noqday Safiirka Mareykanka ee dalka Bolivia inti u dhaxeysay sannadihi 2000 ilaa 2002-di, ayaa qirtay laba eedeyn oo mid ay aheyd inuu si sharci darro ah wakiil ugu noqday dowlad kale. Bishi December ayaa dacwadi ugu horreysay lagu oogay.