Alphonso Davies Oo Seegaya Kulanka Lugta 2-aad Ee Champions League, Sabab.

0
136

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa seegi doona kulanka 2-aad ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa marti galin doonta Arsenal todobaadka dambe lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddiga Alphonso Davies ayaa laakiin ka maqnaan doona kulanka lugta 2-aad sabab la xidhiidha ganaax.

Xiddiga reer Canada ee Alphonso Davies ayaa loo taagay kaadhka digniinta kulankii ay Arsenal iyo Bayern ku kala bexeen bar-baraha.

Sidaas darteed xiddiga ayaa hal kulan ganaax ku seegi doona maadama uu kaadhkii 2-aad ee digniinta qaatay kulamada bug baxa ee tartanka.