Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dumar ah oo loo magacaabay Congo.

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Félix Tshisekedi, ayaa wasiir hore u magacaabay inuu noqdo ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalkaas.

Judith Suminwa Tuluka, oo horay u soo noqotay wasiirkii qorsheynta ayaa beddeshay Sama Lukonde oo iscasishay bishii Febraayo. “Waan ogahay in howshu ay weyn tahay, caqabadaha jirana ay yihiin kuwo aad u ballaaran, laakiin haddii garab-istaaga madaxweynaha iyo midka qof walba, waxaan ku gaari doonnaa guusha,” Marwo Tuluka ayaa shir jaraa’id ku sheegtay Isniintii kaddib magacaabisteeda.

Magacaabisteeda ayaa daba socotay baadi goob dheer oo ay ku baadi goobayeen isbaheysiga aqlabiyadda baarlamaanka dalka – tillaabo muhim ah oo ay qaadaan ka hor inta aan la magacaabin ra’iisul wasaarihii oo la soo dhisin xukuumad.

Xisbiga talada haya ee Midowga Dimuqraadiyadda iyo Xisbiga Horumarka Bulshada ayaa ku guuleystay boosaska aqlabiyadda iyagoo ka adkaaday 44 xisbi oo kale.

Marwo Tuluka ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay magacowdo gole wasiiro cusub. Ra’iisul wasaaraha ayaa hogaaminaya xukuumaddaas, oo ka koobnaan doontaa wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here