Kormeerayaal ka tirsan QM oo ku dhaawacmay duqeymo ka dhacay koonfurta Lubnaan

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saddex ka mid ah kormeerayaasha Qaramada Midoobay iyo tarjumaan ayaa ku dhaawacmay duqeynta magaalada Rmeish ee koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay ka dambeysay , balse militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ay mas’uul ka ahaayeen.

Hawlgalka Qaramada Midoobay, Unifil, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la daweynayo, isla markaana ay baarayaan halka uu qaraxa ka dhashay.

Waxay timid ka dib markii ay sare u kacday xiisadda ka taagan xadka aan rasmiga ahayn ee Israel iyo Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here