Ficil Uu Sameeyay Antony Intii Lagu Maqnaa Ciyaaraha Caalamiga Oo Ka Farxisay Tababare Erik ten Hag

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Antony ayaa shaqo adag ka qabtay jirkiisa si uu u horumariyo ciyaartiisa intii lagu maqnaa kulamada xeerka caalami, isagoo doonaya inuu sii dhiso kalsoonidii uu ka helay goolkii uu ka dhaliyay Liverpool.

24-sano jirkaan ayaa ku bilowday kursiga keydka kulankii wareega 8da e FA Cup ee ay la ciyaareen Liverpool, laakiin markii uu bedelay Rasmus Hojlund xilli dambe, waxa uu si dhaqso ah  ugu abaalguday tababarihiisa isagoo shabaqa soo taabtay.

Waxa ay aheyd kaliya goolkiisii labaad ee xilli ciyaareedka; waana xog niyadjab ku ah xiddiga reer Brazil kaasoo laga reebay xulkii Brazil ee todobaadkan la ciyaaray xulalka England iyo Spain.

Si kastaba, Antony ayaa waxaa ka go’an inuu horumar ku sameeyo ciyaartiisa ka dib xilli ciyaareed adag oo soo maray.

Iyadoo qaar ka mid ah asxaabtiisa Man United ay nasasiino ku jireen ka dib xilli ciyaareed adag oo ay wajaheen, xiddiga reer Brazil ayaa u safray magaalada Madeira ee dalka Portugal si uu tababar waali ah ugu sameeyo Kaliiniga Fisio kuwaasoo balanqaada inay ciyaartoyda ka caawiyaan inay sarre u qaadaan qaab ciyaareedkooda iyo adkeysiga jirkooda.

Sawiro uu Antony sameynayo tababar uu quwadiisa ku xoojinayo islamarkaana uu ku saxayo qaladaadkiisa ayaa la soo dhigay baraha bulshada iyadoo Kaliiniga Fisio ay sidoo kale booqashada ciyaaryahan soo dhigeen bogooda Instagram.

Talaabada uu ciyaartiisa ku horumarinayo xiddiga reer Brazil ayaa waxay ka farxisay tababare Erik ten Hag oo filasho sarre ka qabay ciyaaryahankaan markii uu lacag aad u badan uga soo iibsaday kooxdiisa hore ee Ajax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here