Dadka Gaza oo wajahaya cunto yari ba’an

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhammaan labada milyan ee qof ee Gaza ay soo food saartay “heerar cunto yari oo aad u daran”.

Tani waxay ahayd markii ugu horreysay oo dad dhan ay sidaas lasoo deristo ayuu yiri mar ay BBC-da wax ka weydiisay xaaladaha ka jira dhulkaas.

Mr Blinken ayaa ugu baaqay Israa’iil inay mudnaanta siiso wax u qabashada dadka u baahan.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in waqooyiga Qaza laga yaabo in ay macaluul soo wajahdo bisha May hadii aan aan la joojin dagaalka, gargaarkana aan la kordhin.

Hadalada Mr Blinken ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xooggana ee uu ku sheegay heerka ay le’eg tahay dhibaatada bini’aadanimo ee Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here