Gargaarkii ugu horeeyay oo dhanka badda ku gaaray xeebta Gaza

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shixnad gargaar bini’aadannimo oo dhanka badda ah oo ah tii ugu horreysay Gaza ayaa laga soo dejiyay xeebta.

Hay’adda samafal ee Mareykanka ee ka dambeysa howlgalka, World Central Kitchen, ayaa howshan fulineysa iyadoo kaashaneysa Imaaraadka Carabta.

Shixnadda ayaa ka koobnayd 200 oo tan oo cunto ah oo si aad ah loogu baahnaa Qaza, taasoo ay QM sheegtay inay qarka u saaran tahay macaluul.

Hay’adaha gargaarka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay caqabad ku tahay bixinta gargaarka, eedeyntaas oo ay si weyn u beeniyeen saraakiisha Israa’iil.

Israel waxa ay sheegtay in ay ay u ogolaatay in gargaraka la marsiiyo laba marin oo koonfurta ah waxayna ku eedaysay hay’adaha gargaarka inay ku fashilmeen saadka.

Shixnadda maanta oo sabti ah ayaa ku timid markabka samafalka ee Open Arms ee Isbaanishka. Shixnaddiisa waxaa ka mid ah digirta, karootada, tuna qasacadaysan, gallayda qasacadaysan, bariiska la kariyay , daqiiqda, saliidda, milixda iyo timirta, kuwaas oo leh muhiimad ruuxi ah inta lagu jiro bisha Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here