Shilling-ka Kenya oo gaarey meeshii ugu sarreysey muddo 8 billood ah.

0
63

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lacagta Kenya ee Shilling ayaa sameeyey soo kabashadii ugu xoogganeyd mudo 8 bilood ah oo sagxadda yaalley ka dib.

Mar aan sii fogeyn oo ku beegneyd 26-kii Jannaayo ee sannadkan, lacagta Kenya waxay ahayd tan 3-aad ee ugu liidata dunida marka la barbar higo Doollarka Mareykanka, maantana waa lacagta ugu qiimaha badan ee suuqyada wareegeysa. Waxayna sare u kacday 20%, iydoo halkii doollar lagu sarrifayo 137.55.

Soo kabashada Kenya shilling ayaa loo aaneynayaa dhowr arrimood oo is biirsaday, ku was oo aan ka xusi karno, dammaanad cusub oo maaliyadeed oo Eurobond ah oo qiimaheedu gaarayey USD1.5 billion, taas oo sarrifka lacagaha qalaad salka u dhigtay.

Dadweynaha Kenya oo muddooyinkii ugu dambeeyey la daalaaa-dhacayey sicir bar iyo sarafka lacagaha qalaad oo sare u kac ku yimid, ayaa si weyn u soo dhaweeyey labo-kacleynta Shilling-ka.

Qaar ka mid ah dakii ka falceliyey sare u kaca Shilling-ka Kenya oo warbaahinta gudaha la hadlaya ayaa ku faanay kaalintii ay ku lahaayeen cayminta lacagtooda, ka dib markii ay ka jawaabeen olole ballaaran oo dadka loogu boorrinayey in ay doollarka ay haystaan ku bedeshaan Shilling, si ay u bilaan qiimaha lacagta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here