Dimitar Berbatov oo Saadaaliyay in Gunners ay Aargoosan doonto.

0
303

Jowhar-(Isnaay Radio)- Manchester United iyo Arsenal ayaa gaadhi doona guulo waaweyn, laakiin Manchester City ayaanay cidina ka furfuri doonin kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, sida uu saadaaliyey halyeygii kooxaha Manchester United iyo Tottenham ee Dimitar Berbatov.

Arsenal ayaa maraysa imtixaanka ugu adag, waxaanay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyn doontaa kooxda ay dhaawacyadu ragaadiyeen ee Newcastle United oo kulankoodii hore ee Premier League ee November 4, 2023 kaga soo adkaatay 1-0.

Dimitar Berbatov ayaase saadaaliyey, in Gunners ay aargoosan doonto oo ay saddex dhibcood ka xoogi doonto Magpies oo waqti adag ku jirta.

Gunners oo guul-darro niyad-jab ah kala soo laabatay ciyaarteedii Champions League ee Arbacadii oo ay FC Porto ku garaacday 1-0 ayaa waxa ay cadhada kula dhici doontaa Newcastle oo ay kaga badin doonto 2-1.

Waxa kale oo guul 1-0 ah gaadhi doonta Manchester City oo booqanaysa Bournemouth oo natiijooyin fiican ka keenaysay kulamadeeda horyaalka Premier League oo xilli-ciyaareedkan, isla markaana waqti hore ka baxday cabsidii ka haysay heerka labaad.

Manchester United ayaa sidoo kale garoonkeeda Old Trafford ku garaaci doonta Fulham.

Halkan kaga bogo saadaasha Dimitar Berbatov ee kulamada usbuuca 26aad

Crystal Palace 2-0 Burnley

Aston Villa 2-1 Nottingham Forest

Man United 2-0 Fulham

Brighton 3-1 Everton

Bournemouth 0-1 Man City

Arsenal 2-1 Newcastle

Wolves 2-0 Sheffield United

West Ham 1-1 Brentford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here