Mourinho Oo La Weydiiyay Haddii Neymar Uu Yahay Laacibkii Ugu Fiicnaa Ee Brazil Ka Soo Baxa Tan Iyo Pele

0
220

Jowhar- (Isnaay Radio)- Jose Mourinho ayaa jawaab fiican ka bixiyay markii la weydiiyay haddii Neymar uu yahay xiddigii ugu fiicnaa Brazil abid tan iyo Pele.

Sannadii 2018kii, majalada kubada cagta Brazil ee Placar ayaa u magacowday Neymar xiddigii ugu fiicnaa ee Brazil ka soo baxa tan iyo Pele kaasoo seddex Koob Adduun u qaaday wadankiisa.

Neymar ayaa haatan ah xiddiga ugu goolasha badan wadankiisa isagoo dhaliyay 79 gool oo heer caalami ah, wuxuuna labo gool dheer yahay Pele.

32 jirkaan ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican dunida markii uu ka ciyaarayay Yurub isagoo u dheelay Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Placar ayaa la kulantay dhaleeceyn badan markii ay Neymar u magacaabeen xiddigii ugu fiicnaa ee Brazil tan iyo Pele.

Mourinho ayaana haatan ka jawaabay isagoo tixraac ka dhigtay Ronaldo Nazario iyo Rivaldo.

Ronaldo ayaa waayihiisa ciyaareed intii ugu fiicneyd ku qaatay Yurub isagoo gooldhaliye halis ah u ahaa PSV Eindhoven, Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid.

Rivaldo dhanka kale, wuxuu koobab ku qaaday Spain iyo Italy isagoo sidoo kale Champions League kula guuleystay AC Milan.

“Neymar waa xiddig tayo fantastik ah leh, cidna shaki ma gelin karto” ayuu Mourinho u sheegay DAZN.

“Markii uu yimid Yurub, durbadiiba koobab ayuu ku guuleystay.

“Laakiin waxaan u maleynayaa inay ilaaween ciyaartooy waqti aheyd kuwa ugu fiican dunida sida Ronaldo iyo Rivaldo, waxaan magacaabi karaa xitaa kuwa kale oo badan.

“Iyagana Yurub ayay yimaadeen, waxayna ahaayeen fantastik, laakiin waxaa taas u sii dheereyd inay guulo la gaareen xulkooda qaranka.

“Neymar wuxuu weli u dagaalamayaa inuu ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican Yurub, durbana wuu yahay lakiin weli riyo ayay u tahay inuu la guuleysto Brazil.”

Neymar ayaa ku guuleystay labo horyaal, seddex Copa del Rey iyo Champions League mudadii uu joogay Barcelona halka uu shan horyaal la qaaday PSG ka hor inta uusan u wareegin Sacuudiga isagoo ku biiray Al Hilal.

Laakiin xulkiisa qaranka waxa uu la qaaday kaliya Confederations Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here