Howlaha Shidaal soo saarista Dalka oo si habsi leh uga socda Deegaannada Galmudug

0
145

Jowhar- (Isnaay Radio)- Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceel shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya;- Abdiwahab Addow Mohamud,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here