Mikel Arteta Oo Iska Difaacay Cambaareyntii Uu La Kulmay Ka Dib Kulankii Liverpool

0
220

Jowhar- (Isnaay Radio)-  Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday inuu raaligelin ka bixiyo sida uu dareenkiisa u soo bandhigo marka ay kooxdiisa gool dhaliso ama badiso, inkastoo uu cambaareyn badan ku muteystay sidii waalida aheyd ee uu u dabaaldegay guushii 3-1 ee ay Arsenal ka gaartay Liverpool.

Dabaaldega waalida ah ee Arteta oo ay ku jirto inuu kursiga keydka agagaarkiisa ku cararo iyo inuu taageerayaasha kiciyo ayaa waxaa todobaadkan cambaareeyay khabiirka Sky Sports Gary Neville kaasoo soo jeediyay in ciyaalnimo tahay sida ay Arsenal u dabaaldegtay.

Si kastaba, Arteta ayaa difaacay sida uu dareenkiisa u soo bandhigo, isagoo sheegay in jaceyl iyo xamaasad uu ciyaarta la yimaado islamarkaana ay isaga u gaar tahay. Guusha ay gaareen Arsenal waxay ka dhigtay inay labo dhibcood u jirsadaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Isagoo ka hadlayay cambaareyntii loo jeediyay, Arteta ayaa yiri:

“Waxay banaanka keeneysaa xamaasada iyo dareenka ciyaarta , marka si dabiici ah loo sameeyo” ayuu yiri tababaraha reer Spain.

Arteta ayaa hadalkiisa intaas raaciyay: “Waan wax aan jeclahay. Waxaan arkay tababarayaal marti ku ah Emirates oo jilbaha ku taraaraxaya. Waxaan arkay tababarayaal waa weyn oo kursiga keydka si waali ah ugu dabaaldegaya horyaalka Premier League.

“Waxaan aaminsanahay inay wax fiican tahay laakiin fekerkeyga, dadka qaarna si ka duwan ayay u arki karaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here