Xulka Galmudug oo la guddoonsiiyey Koobka Dowlad Goboleedyada.

0
250

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa  munaasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jirta caasimada, iyada oo bulshaduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here