Ra’iisul wasaare hore oo lagu eedayay inuu ku kacay Guur sharciga khilaafsan

0
88

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Maxkamadda ku taalla dalka Pakistan ayaa xabsiga u dirtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, kadib markii ay durtay guurkooda, inta lagu guda jiray maxkamadayntoodii ugu dambaysay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in guurka Imran Khan iyo Bushra Bibi oo dhacay sanadkii 2018 kii uu yahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsanayn shareecada Islaamka.

Horay ayuu ugu jiray xabsiga markii lagu ridayay xukunkaan. Arbacadii la soo dhaafay, todobaad ka hor doorashada guud ayaa labadoodaba lagu eedeeyay inay ka faa’iidayeen hadiyadaha qaranka.

Imran Khan ayaa sheegay in kiisas badan oo lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwa laga leeyahay dano siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here