Dalka UK oo mamnuucaya isticmaalka sigaarka elektaroonigga ah.

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sigaarka elektaroonigga ah ayaa qarka u saaran in la mamnuuco, taas oo qayb ka ah qorshayaasha wax ooga qabanayo tirada sii kordheysa ee dhalinyarada isticmaala sigaarkan vape-ka, sida ay sheegtay dowladda UK.

Tirada carruurta isticmaala sigaarkan ayaa sidoo kale soo badanaya.

Mamnuucistan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhaqan geli doono dalka Britain.

Raysal wasaare Rishi Sunak ayaa la filayaa inuu qorshaha mamnuucista faahfaahin ka bixiyo Isniinta maanta, iyadoo la filayoo inuu booqasho ku tago iskuul.

Dalka Britain, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in sannadkii 2015-kii, warbixin khaldan oo laga soo saaray sigaarka elektaroonigga ah awgeed, ay carruurtu isku dayeen inay cabbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here